fbpx
    [slake_info_icon link="tel:+252 65/63 4256000" icon="ti-headphone-alt" info="+252 63/65 4256000"]

10 Qodob Oo Sabab u Ah Inay Jawaabtu Noqoto Haa.

Hadii ganacsigaagu uu soo jiray intaas oo dhan, isaga oo aan lahayn Website, waxa laga yaabaa inaad is waydiiso; Ganacsigaygu Miyuu u baahanyahay inaan u Sameeyo Website? Maxay tahay meelaha uu ganacsigaygu ku horu marsanyahay ama ku Awod badanyahay Website la’aan.?

Jawaabta ugu haboon ayaa ah ma jirto waqti ay kaga haboonthay imika inaad ganacsigaaga u samayso Website. Ganacsiyada yaryar waxa ay u leedahay Barta Internet ku faa’iidooyin fara badan, intoda badan faa’iidooyinkaasi waxay qiima ahaan u kordhayaan si isa soo taraysa sanadba sanadka xiga, sida Internet ka laftiisa oo kale.

Kumaad Qancin? Waxaanu kuu haynaa tobanka faa’iido ee ugu waaweyn ee uu ganacsiga yaryar (small business) ka helayo Barta internet xataa website ku haba ahaado kan ugu fudude.

10 Sababood oo aad ugu baahantahay inaad Ganacsigaaga u Sameyso Website.

  1. Barta Internet ku waxa ay kaa dhigaya inaad u muuqato qof xirfad leh.

Macaamiisha 84% ka mid ah waxay is odhanayan in website ku ay ka dhigayso ganacsigaaga mid lagu kalsoonaan karo marka la barbar dhigo shirkadaha iyagu leh Baro bulsho (social media) oo kaliya. Bartaada internet ku waa meesha ugu mihiimsan ee aad ku muujin kartid biladaha iyo shahaadooyinka xirfadeed ee uu ganacsigaagu haysto.

Intaa ka dib, inaad lahaato Bar Internet oo adi khaas kuu ah waxay kuu ogalaanaysaa in aad yeelatid (Email) Sumadaysan (tusaale : Info@somsite.com) kaasi oo ka dhigaya in dhamaan waraaqahaagu ay u eekaadaan kuwo heer sare ah, khaasastan hadii aad isticmaalayso email khaas ah, kasi oo aad ku fuliso ganacsigaaga hada.

  1. Website-ku wuxuu kuu soo jiidayaa macaamiil cusub iyaga oo kuu soo maraya (Google Search).

Waxaa suuragal ah inaad ku qanacdo baaxadda ganacsigaaga uu hada leeyahay, laakiin shirkad kastaa waxay la kulantaa macaamiishu inay ka leexata. Si aad u dhiirrigeliso guul waarta ama sii socota, waxaad u baahan tahay inaad soo jiidato macaamiil cusub, mid ka mid ah qaababka ugu wanaagsan ee lagu sameeyo ama macaamiil cusub laguna soo jiito waa inad ka soo muuqato Google.

Website si fiican loo hagaajiyay ayaa kaa caawin kara in ganacsigaagu meel sare kaga jiro raadinada kaladuwan iyo in uu soo jiidan karo macaamiisha cusub. Waxaa jira dhowr qalab oo bilaash ah oo SEO ah oo kuu fududeynaya in laguu habeeyo Bartaada Internet ka bilaa tababar hore.

  1. Waxad si cad ugu muujin kartaa waxyaabaha aad soo saarto iyo adeegyadaada.

Waxad ku tusi kartaa macaamishaada joogtada ah waxay ka heli doonan Bartaada Internet ka adiga oo ku tusaya adeegyadaada website ka gudihiisa sawiro tayodiisu ay aad u sarayso. Waxaad eegta Barta ay Toyota S3 ay ku leeyihiin Internet ka.

"Ganacsigaygu

  1. Waxaad ku soo bandhigi kartaa qiimeyntaada ugu fiican ee ay ku siiyaan Macaamiishaadu.

Website kaaga waxaad kusoo bandhigi kartaa qiimaynadaada ugu fiican ee ay kusiiyaan Macaamiishaadu, Bandhigida aad ku so bandhigayso shabakadaada qiimaynadaada ugu fiican ama markhaatiyadaada si heer sare ah, ayaa ah habka ugu weyn ee loo dhiso cadayn ama qiimeyn macmiil. Tani waxay ku iman kartaa markhaatiga macaamiishaada, sida qiimaynta Shabakad SomSite ay u sameeyeen qaar ka mida ah macamiisheedu.

Waxaad ku soo bandhigi kartaa qiimeyntaada ugu fiican ee ay ku siiyaan Macaamiishaadu

  1. Website ku wuxuu ku dhiiri galinaya macaamiisha inay kula soo xidhiidhaan.

Bartaadda Internet ku waa meesha ugu weyn ee aad kaga dhigi karto xogta lagaala soo xidhiidhayo in si fudud ay u helaan macaamiishaadu. Waxaad ku daabici kartaa xogta lagala soo xidhiidhayo (Header) ka ama (Footer) ka halkasi oo uu bog waliba oo ka mida website ka uu ka muuqanayo, Sawirkan Hoose waa Wayeel Consulting sida kuu muuqata waxa footer ka website kan ku jira dhamaan xogta aad kala xidhiidhi karto shirkadaas.

Website ku wuxuu ku dhiiri galinaya macaamiisha inay kula soo xidhiidhaan.

  1. Waxad ku dari kartaa website kaaga khariiradaha google Macaamiishaaduna waxay awoodi doonaan in ay si fudud ku iman karaan goobtaadda Ganacsi.

Website ku wuxuu  kuu oggolaanaya inaad khariidadaha si toos ah ugu darto Boga lagaala soo xidhiidho (Contact Us Page).

Waxad ku dari kartaa website kaaga khariiradaha google Macaamiishaaduna waxay awoodi doonaan in ay si fudud ku iman karaan goobtaadda Ganacsi.

Sawirkan Sarre waxa uu ku tusayaa Daara-Salaam Bank oo Bogiisa lagala soo xidhiidho si fiican ugu muujiyay Xaruntiisa Hargeisa, Khariidad aad ku xidhid website kaga ayaa u fududeynasa Macaamiishadda in aanay wakhti badan ku bixin sidii ay u heli lahaayeen goobtaada ganacsigu halka ay ku taalo. Tani waxay si gaar ah muhiim u tahay haddii aad marti geliso munaasabado, maadaama laga yaabo inay soo jiitaan dad aan hadii kale aan waqti ku qaadanayn xaafadda u xafiiskaaga ganacsi ku yaalo.

  1. Website kaagu waxa uu ku dhisaa Kaalinta aad ku leedahay saaxada ganacsiga aad ku jirto.

Hadii ganacsiyada kula tartamayaa aanay wali ahayn (Online), Waa ay soo noqonayan dhawaan. Marka hore adigu ka dhig naftaada hogaamiyaha saaxada aad ku jirto adiga oo dhisanaya Website tayadiisu aad u sarayso. Hadii ay leeyihin tartamayaashaada ganacsigu website, waxaad haystaa fursad: waxad dhisan kartaa Website ka duwan dhamaanba Website yadooda, adiga oo tusaya macaamiishaada isla markaana waxa uu kaa dhigaya in shirkadaadu ay gooni u taagantay.

  1. Website ku intaa wixii ka danbeya maaha mid laga cabsado dhisidiisa iyo maamulidiisuba.

Dhisayaasha baraha Casriga ah sida quarespace iyo Wix ayaa waxa ay kuu fududeeyeen inaad dhisto bar soo jiidasho sido kale (mobile-friendly) ah adiga oo aan wax aqoon ah u lahayn Code garaynta.

  1. Website ku waxa uu xaqiijinayaa horumarkaaga ama guushaada mudada fog.

Sanadkan 2020, ilaa 4.54 bilyan qof (59% tirada dadka dunida ku nool) ayaa isticmaala Internet ka, dad aad u badan ayaa kusoo biiraya dadka isticmaala Internet ka.

In aanad Ganacsigaaga u sameyn Website, waxa aad luminaysaa Macaamiishaa Faraha badan ee kusoo qulqulaya Internet ka iyo Duniddan Digital ka ah, Sida aynu ugu sii horumarayno wakhtigan Digital-ka ah, ganacsigaagu waxa uu ahaanayaa mid aan muuqan ilaa iyo inta aad Maalgashanayso inaad sameysato bar internet.

Sidaa daraadeed si aad uga mid noqoto hormoodka saaxadda Ganacsigaaga, waxa muhiim in aad ganacsigaaga u Sameyso Website isala markaana la jaanqaado dunida Digital ka ah.

ka Dalbo Hadda SomSite Website – Guji Halkan

  1. Waad heli kartaa dhamaan faa’iidooyinkaa adiga oo aan galinin maal badan.

Dhisida Website ku maaha oo kaliya mid fudud sida uu ahaan jiray; sidoo kale waa mid aad loo awoodi karo.

Hadii aad diyaar u tahay inaad raacdo talaabooyin fudud, oo aan u baahnayn farsamo, waxad ku dhisan kartaa wax ka yar $80 sanadkiiba.

Waxaad ku shuban kartaa WordPress oo ay la socdaan Free Themes, sidoo kale waxaad Shirkadda SomSite ka Dalban kartaa Website Ganacsigaaga si gaar ah loogu sameeyay oo leh Astaanta, midabka iyo dhamaan Nashqadaha Ganacsigaaga.

Hadaba, Ganacsigaygu Miyuu u baahanyahay inaan u Sameeyo Website? Go’aanka ugu danbeeya

Waxaan rajeyneynaa, hadda inaad garowsatay in su’aashu aysan ahayn  “Ganacsigaygu Miyuu u baahanyahay inaan u Sameeyo Website?”, laakiin waxa weeyi “ma awoodi karaa inaanan lahayn Bar internet xilligan lagu jiro Digital-ka “.

Jawaabtu, hadaad rabto inaad sii wado kobcitaanka muddada dheer, waa maya. Website ku waa mid ka mid ah maalgashiga ugu wanaagsan ee ganacsi kasta samayn karo si uu u dhiso mustaqbalkiisa.        

 Hadaba Hadii aad Diyaar u tahay In aad Ganacsigaaga u Sameyso Website Raac ama Guji Link-gan oo Hadda Dalbo.

Hadii aad Heyso wax su’aal ah, ama talo u baahato sidii Ganacsigaaga aad ugu Sameyn lahayd Bar Internet.

Fariin noogu Reeb Comments ka ama Nagala Soo xidhiidh mid ka mid ah Cinwaanadayadda.

1 response on “Ganacsigaygu Miyuu u baahanyahay inaan u Sameeyo Website?”

  1. jamaal yuunis May 27, 2020 6:11 pm

    arin fiican

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Complete Hosting Solution, Only $6.99/mo

We are SomSite, an award-winning web hosting, domain registration, web design agency based in Somaliland.

Choose the hosting provider that helps you start easy, build fast, and grow strong! It’s risk-free with our 30-days money back guarantee.